Gudoomiyaha
Baarlamaanka:” Ma jiraan wax mushaar ah oo
iminka lo ohayo baarlamaanka”
Baydhabo''05-june-2008(Arlaadiimedia)Gudoonka
golaha baarlamaanka federaalka kmg-ka
SOomaaliyeed ayaa sheegay in aysan jirin wax
dhaqaale ah oo lo ohayo mudanayaasha
baarlamaanka, xilli dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan
xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Sheekh Aaden
Maxamed Nuur (Sheekh Aaden Madoobe),
gudoomiyaha golaha baarlamaanka federaalka
kmg-ka SOomaaliyeed ayaa sheegay arrintan.

Wuxuu
sheegay gudoomiyaha
in Xildhibaanada Baarlamaanka aysan qaadan
gunooyinkii ay heli jireen kuwaa soo
dowladaha Caalamka qaar kood ay u soo
marsiin jireen Barnaamijka Hormarinta QM ee
UNDP.

Guddoomiyaha baarlamaanka
ayaa hadalkaan ka Sheegay Xarunta ADC oo
fariisin KMG ah u ah Baarlamaanka waxaana uu
sheegay in Madaxweyne C/laahi Yuusuf AXmed
iyo Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde uu kala
hadlay sidii dhaqaale loogu heli lahaa
Baarlamaanka.

Sheekh Aadan Madoobe waxa uu
tilmaamay in Xukuumadu ay u sheegtay in
xiligaan aan wax la cag ah loo heynin
Baarlamaanka KMG.