HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Meydad si kala gaar gaar ah loogu arkey meelo Muqdisho ka mid ah.

Muqdisho''05-june-2008(Arlaadiimedia)Meydadka dad la sheegay in ay rayid ahaayeen ayaa si kala gaar gaar ah saakay loogu arkey meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Xaafada Nasteexo ee JiiroMaskiin ayaa lagu soo waramayaa in xalay lagu dilay Nin, kadib markii labo nin oo isla socotay oo mid ka mid ah goobta ku qurbaxay rasaas lagu furay.

Dhinaca kale, Kooxo Hubeeysan oo aan la aqoon ayaa xalay Labo Qofood oo rayid ah ku dilay agagaarka Xaafada Kuliyadii hore ee Layliga Saraakiisha ee Jaale Siyaad.

Dadka xaafada waxa ay leeyihiin labadan nin waxaa dilay rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaasi oo aan la ogeyn sababta dilkooda ka dambeysay.

Dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho mararka qaar waxa ay dhacaan iyada oo ku lug leh arrimo siyaasadeed, halka qaar kalena ay yihiin kuwa dhac iyo arrimo kale la xiriiro, weyna adag tahay in mararka qaar la kala saaro.

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee baydhabo Janaay

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.