HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Dhamaan Safiirada Shisheeye oo laga saaray siminaarka dhinacyada is haya Jabuuti uga socda.

Jabuuti''05-june-2008(Arlaadiimedia)Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Jabuuti, kooxaha ku shiraya halkaasi ayaa go’aan ku gaaray kulamadooda aaney ka qeyb gelin safiirada shisheeye.

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia Axmadou Walad Abdala oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay dowlada federaalka iyo isbahaysiga dibu xoreynta ayaa la gaaray go’aan ah in safiirada laga mamnuuco shirarka ay labada dhinac yeelanayaan.

Arrintan ayaa ka dhalatay kadib markii xubnaha isbahaysiga dib u xoreynta ay ku adkeysteen in aysan ka qeyb galeen kulamada manta dhacaya, haddii aan laga saarin safiirka Itoobiya.

Dhinaca kale, Safiirka dowlada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in uu isagana ku adkeystay in uu ka qeyb galayo kulamada, maadaama dhigiisa ay goob jog ka ahaanayaan.

Axmadou Walad Abdalla ayaa sheegay in ay xaliyeen waxyaabihii keenay in dhinac ka mid ah dhinacyada la wada hadalsiin lahaa ay shirka ka baxaan, isaga oo sheegay in uu guul ka rajeynayo shirka.

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee baydhabo Janaay

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.