HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Xubnaha Isbahaysiga dib u xoreynta oo ka qeyb galaya saakay wejiga sedexaad ee siminaanka Jabuuti.

Jabuuti''05-june-2008(Arlaadiimedia)Wararka laga helayo magaalada Jabuuti oo ah xarunta dalka Jabuuti ayaa sheegaya in xubnihii isbahaysiga dib u xoreynta ay ka qeyb galeen siminaarkii loo qabanayay dhinacyada dowlada federaalka iyo mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia iyo xubno kale oo qaramada Midoobay ka tirsan ayaa lagu soo waramayaa in xalay oo dhan ay wadeen kulamo iyo dadaalo maxaakiimta loogu qancinayo in ay kulamada ka qeyb galaan.

Qaramada Midoobay iyo Jabuuti ayaa lagu waramayaa in ay raali gelin ka bixiyeen wixii sababay in xubnaha isbahaysiga ay kulanka ka baxaan.

Saakay ayaa lagu soo waramayaa in shirka uu ku soconayo si habsami leh.

Xubnaha isbahaysiga dib u xoreynta ayaa shalay ka baxay shirka, kadib markii ay arkeen in uu kulanka fadhiyo safiirka dowlada federaalka Itoobiya.

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee baydhabo Janaay

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.