HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Afhayeenka isbahaysiga dib u xoreynta: “Anaga waxa na keenay waa Soomaaliya in xal loo helo, marka haddii la xaliyo arrimaha aan ka cabaneyno, waa ka qeyb galeynaa shirka”

Jabuuti“04-june-2008(Arlaadiimedia)Anaga waxa na keenay waa Somaliya in xal loo helo, marka haddii la xaliyo arrimaha aan ka cabaneyno, waa ka qeyb galeynaa shirka” Sidaasi waxaa Caawa yiri Sheekh Daahir Maxamuud Geele, afhayeenka isbahaysiga dib u xoreynta dalka, kuna sugan dalka Jabuuti.

 

“Waa nin Somali ah oo dusha kaaga eg, afka Soomaaligana ku hadla, Jabuutina waad ogtahay waa Soomaali, marka taas ayaana keentay in aan marka hore garan weyno” ayuu yiri Afhayeenka.

 

“maya, safiiro badan ayaa fadhiyay, laakiin ma ahayn kuwa dembi ka galay Somalia, weliba waxaa qoyan xad-gudubyada ay Itoobiya Somalia ku sameysay”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Afhayeenka.

 

Wararka Jabuuti laga helayana waxa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee manta ilaa Caawa ay halkaasi ka soconayaan kulamo gaar gaar ah, kuwaasi oo xubnaha isbahaysiga looga hadlayay sidii shirka uu ku socon lahaa.

 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee baydhabo Janaay

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.