HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Maxamed Dheere: “In dadka wax ha doortaan la yiraahdo waa waxa aan raadiney nay, Yaaba heli kara, Aanaga shaqaalaheena ayaaba nagu filan oo toban kun kor u dhaafaya, marka Soomali oo dhanna waa ku tashan nahay in ay na doortaan”

Muqdisho''04-june-2008(Arlaadiimedia)Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), gudoomiyaha gobolka gobolka Banaadir ayaa ka Hadley, isla markaasna raalin gelin ka bixiyay eedeyn uga timid, qaar ka mid ah beelaha SOomaaliyeed.

 

Maxamed Dheere ayaa raali gelin siiyay beesha Galmaax, iyada oo shalay Maxamed Yaroow oo ka mid ah ku xigeenada maamulka gobolka Banaadir uu sheegay in Maxamed Dheere uu aflagaado u geystay beeshiisa, iyada oo Maxamed Dheere uu sheegay in arrimahaasi ay ahaayen kuwa kaftan ah.

 

Maxamed Dheere ayaa sheegay in uusan jirin wax fashil ah oo ku aadan howlihii dhinaca amaanka, isaga oo sheegay in hubkii ay hayeen ay ku wareejiyeen booliiska, isaga oo tilmaamay in xukuumada dhexe looga baahan yahay in ay arimahaasi ka shaqeeyaan.

 

“In dadka wax ha doortaan la yiraahdo waa waxa aan raadineyheynay, Yaaba heli kara, Aanaga shaqaalaheena ayaaba nagu filan oo toban kun kor u dhaafaya, marka Soomali oo dhanna waa ku tashan nahay in ay na doortaan” ayuu yiri Maxamed Dheere.

 

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in uusan khilaaf ka dhex jirin mamaulka gobolka, isaga oo sheegay in faro gelin lagu sameeyay, taasina ay keentay waxa lagu tilmaamay khilaafka, dib ayaana isugu noqonay markii arrimahasi soo dhaac baxeen, waana xalinay.

 

Caawa ayuu Maxamed Dheere hadalkan bixiyay

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee baydhabo Janaay

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.