|
Baydhabo''Maliishiyo ka tirsan kooxaha u adeega argagixisada caalamiga
oo dagaal kula wareegay xerada Manaas ee gobolka Baay kadibna kacarareen
markii ay maqleyn ciidamo dowladda oo kusoo fol leh.
Baydhabo''3-june-2008(Arlaadiimedia)Dagaal
saakay waaberigii ay ku soo qaadeen maliishiyooyinka kooxaha u adeega
argagixisada caalamiga xerada Manaas ee ku taal gobolka Baay,
halkaasi oo ay la wareegeen gacan ku heynta xeradaasi.

Dagaal dhex maray ciidamada Dowladda iyo maliishiyooyinkaasi ayaa
sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaartay, iyadoo
maliishiyooyinka argagixisada u suurtagashay iney la wareegaan xerada
Manaas oo dhinaca Koonfur kaga beegan 45 Km magaalada Baydhabo ee
xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

lama oga tirada rasmiga ah ee dhimashada argagixisada iyo askarta
Dowladda KMG, hase yeeshee afhayeen u hadlay argagixisada oo la yiraahdo
Sh. C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ciidamadooda ay ka dileen
askarta Dowladda tiro uusan sheegin.

Argagixisda markey ogadeen in ciidamo farabadan ay kasoo dhaqaa qeen
magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ay isaga carareen meelihii ay
qabsadeen.
Xafiiska
wararka Arlaadii.net ee baydhabo Janaay
webmaster@arlaadii.net
|