|
Muqdisho''Afhayeenkii Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir oo lagu dilay
Muqdisho
Muqdisho''3-june-2008(Arlaadiimedia)Kooxo
aan la garaneyn ayaa goor dhow toogasho ku dilay afhayeenkii Guddiga
Ganacsatada Gobolka Banaadir Cabbaas Maxamed Ducaale iyo darawalkiisa.

Afhayeenka oo xiligaasi marayey agagaarka isgoyska Dabka ee magaalada
Muqdisho ayaa kooxo hubeysnaa rasaas la beegsaday iyadoo uu halkaasi ku
naf baxay Afhayeenka halka darawalkiisa uu dhaawac halis ah ka soo
gaaray rasaastii lagu furay balse warar aan la xaqiijin ayaa waxay
sheegayaan in darawalka uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Lama oga sababta ka danbeysa dilkiisa balse falkan ayaa qeyb ka ah
dhibaatooyinka ka jira magaalada Muqdisho ee lala beegsanayo dadka
rayidka ee bulshada u adeegaya.
Xafiiska wararka Arlaadii.net ee
Muqdisho
webmaster@arlaadii.net
|