Itoobiyaanka
oo xalay howl gal ka sameeyay agagaarka
Kuliyada Jaale Siyaad.
Muqdisho''02-june-2008(Arlaadiimedia)Ciidamada
Itoobiya ayaa xalay howl gal ka sameeyay
agagaarka Kuuliyadii hore ee Jaale siyaad,
xilli Habeen hore weerar lagu qaadey
halkaasi.

Wararka waxa ay leeyihiin
ciidamadan ayaa baaris ku sameynayay dadka
iyo gaadiidkaba, iyada oo ka cabsi qaba in
weeraro ay ku soo qaadaan kooxaha ka
horjeeda joogitaankooda iyo dowlada
federaalka kmg-ka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadka
deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia
ay xalay isku fidiyeen naawaaxiga kulyadii
jaala siyaad waxa ayna intaa ku dareen in ay
sameeynayeen baaritaano ay ku baarayaan
dadka deegaankaasi iyo gaadiidka isticmaala
wadadaasi.

Waxaa jira dad dhalinyaro u
badnaa oo ciidamada Itoobiyaanka ay
qab-qabteen, iyada oo qaarkood lagu soo
waramayo in la sii daayay.