HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Qaramada Midoobay oo isbahaysiga iyo dowlada kulan kula qaadaneysa Jabuuti.

 Jabuuti''02-june-2008(Arlaadiimedia)Waxaa manta la filayaa magaalada Jabuuti in uu ka dhaco kulan ay labada dhinac ee isbahaysiga iyo dowlada la qaataan Wafdi ka socda Qaramada Midoobay.

 

Madaxweynaha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu wadaa in ay warbixino siiyaan wafdiga, sida ilo lagu kalsoonaan karo ay sheegeen.

 

Dowlada federaalka iyo isbahaysiga ayaa la siiyay min labo saacadood oo xogta ay ku gudbiyaan, iyada oo la filayo in labada dhinac ay ka hadlaan aragtidooda ku aadan ka bixitaanka ciidamada Itoobiyaanka ee dalka iyo sida wada hadal uu ku suuro geli karo.

 

Kulankan Maanta ayaa ku soo beegmaya, iyada oo shalay Shariif Xasan iyo Sheekh SHariif ay ka guureen hoteelkii ay Jabuuti ka degenaayeen, ka gadaal markii lala dejiyay wafdiga Madaxweynaha.

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.