HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Kooxaha ka horjeeda dowlada oo caawa weerar ku qaadey saldhiga Galbeed.

Muqdisho''01-june-2008(Arlaadiimedia)Kooxo hubeysan oo ka mid ah xoogaga ka horjeeda dowlada federaalka kmg-ka SOomaaliyeed ayaa caawa weerar ku qaadey saldhiga galbeed ee degmada Dharkeynley, gobolka Banaadir.

 

Wararka ayaa sheegaya in kooxahan ay rasaas ooda kaga qaadeen saldhiga, iyada oo kadibna la sheegay in is rasaaseyn xoogan ay halkaasi ka dhacdey.

 

Dadka deegaanka qaar ka mid ah oo aan goor dhoweyd taleefan kula Hadley ayaa xaqiijiyay in ay maqlayeen rasaas xoogan iyo madaafiic kuwa garbaha laga gano oo labada dhinac ay isweydaarsanayeen.

 

Rasaas goos goos ah ayaa la sheegayaa in iminka la maqlayo, iyada oo xilligana uu yahay mid Habeen ah oo roobna uu da’ayo.

 

Ma jiraan wax hadal ah oo dhinacyada dowlada iyo kooxaha weerarka geystayba ay ka yiraahdeen iska hor imaadkan.

 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.