HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Shariif Xasan iyo Sheekh Shariif oo ka guuray Hoteelkii ay degenaayeen, markii wafdiga Madaxweynaha lala dejiyay.

Jabuuti''01-june-2008(Arlaadiimedia)Sheekh Shariif SheekhAxmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa ka guuray Hoteelkii laga dejiyay magaalada Jabuuti, kadib markii lala dejiyay madaxweynaha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed, Col: C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Wararka waxa ay sheegayaan in labada mas’uul ay degeen hoteelka kale, iyada oo markii wafdiga madaxweynaha la dejinayay hoteelka la sheegay in ay magaalada ku maqnaayeen.

 

Ma jiraan wax hadal ah oo labada mas’uul ay ka yiraahdeen ka bixitaankooda hoteelka, iyada oo dhinaca kalena Saleebaan Colaad Rooble oo gudiga warfaafinta isbahaysiga Asmara madax u ah oo arrimahaasi wax laga weydiiyay uu ka gaabsadey.

 

Wararka qaarkood waxa ay leeyihiin waxaa soconaya dadaalo ay wadaan xubno dowlada Jabuuti ku jira iyo guddiga Qaramada Midoobay,

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.