HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Wadada Isku xirta Muqdisho iyo Sh/dhexe oo go’an.

Muqdisho''01-june-2008(Arlaadiimedia)Waxaa go’an wadada isku xirta gobolada Banaadir iyo Sh/Dhexe, kadib markii roobab xoogan ay halkaasi ka da’een.

Ku dhowaad labo maalmood ayay roobabka ka socdeen gobolka Shabeelaha dhexe, iyada oo wadada dheerna ay go’an tahay.

Gaadiidka waa weyn ayaa si dirqi ah ku maraya wadada, sida gaadiidleyda qaarkood ay sheegeen, iyada oo wadada dhexdeedana ay ka sameysmeen godad waa weyn oo gaadiidka ay mararka qaar ku ciirayaan.

Gaadiidka Muqdisho ka baxa ama ka yimaada Jowhar waxay ku qaadaneysaa in uu halka uu ku socday uu gaaro in ka badan 15-saacadood.

Wadooyinkii kale ee qardo jeexa ahaa ee ay gaadiidka mari jireen ayaa gebi ahaanba go’an.
 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.