Luuq''01-june-2008(Arlaadiimedia)Wararka
laga helayo deegaanka Luuq ayaa sheegayo in
odayaal dhaqameedyo ay bilaabeen dadaalo ay
ku dhex dhexaadinayaan beelo ku dagaalamay
halkaasi.

Wararka
ayaa sheegaya in ay odayaasha ku baxeen
beelahan oo dagaalo ay ku dhex mareen
tuulooyin ka tirsan Luuq.

Waxay
leeyihiin wararka odayaasha ayaa watay
calamo cad-Cad, ayaga oo labada dhinac ku
qancinaya in ay nabada qaataan.

Waxaa la
qorsheynayaa in kulan ay isugu yimaadaan
odayaasha labada dhinac, iyada oo qaban
qaabada kulamadaasi ay soconayaan, sida qaar
odayaasha ka mid ah ay sheegeen.