Jabuuti''01-june2008(Arlaadiimedia)Sheekh
Daahir maxamuud Geele, Afhayeenka
isbahaysiga dib u xoreynta dalka eek u sugan
Jabuuti ayaa Rajo aad u wanaagsan ka
muujiyay shirka

"Anaga
rajo aad u wanaagsan ayaan qabnaa, waxaana
aaminsanahay in la gaaray waqtigii la
heshiin lahaa’ ayuu yiri sheikh daahir.

"Shacabka
waxaan ugu bishaareyneynaa in aanan u soo
qaadi doonin wax dhibaato ku ah, laakiin wax
walba oo keenaya in ciidamada Itoobiyaanka
ay dalka ka baxaan, waan soo qaadeynaa" ayuu
yiri sheikh Daahir.

Wuxuu ka
Hadley khilaafka ka dhex jira gudaha
isbahaysiga, isaga oo sheegay in dad dano
gaar ah leh ay siyaabo kale u macneeyeen
dadaalka dib u heshiisiinta ee ay wadaan.