HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Wafdi Qaramada Midoobay ah oo Berito kulamo la qaadan doona ergooyinka labada dhinac ee Jabuuti ku sugan.

DJABUUTI''01-june-2008(Arlaadiimedia)Waxaa beerito la filayaa in ay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ay soo gaaraan wafdi heer sare ah oo Qaramada Midoobay ka socda.

Wafdigan ayaa la filayaa in kulamo min labo saacadood ah ay la qaataan wafdiyada labada dhinac eek u sugan Jabuuti, sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoonaan karo.

Xubno ka mid ah isbahasiga dib u xoreynta ayaa sheegay in kulanka berito ay kaga faa’iideysan doonaan sidii ay ugu soo gudbin lahaayeen aragtidooda ku aadan arrimaha Soomaaliya.

Wararka waxa ay leeyihiin ergoyinka labada dhinac iyo wakiilada bulshada rayidka ayay dhageysan doonaan wafdiga ayaga oo xooga saaraya sidii ciidamada Itoobiyaanka ay u bixi lahaayeen, loona keeni lahaa ciidamo bedela.

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.