Asmara"01-june-2008(Arlaadiimedia)Anaga
horeyna waa u cadeynay, hadana waa
cadeyneynaa, nama quseeyo shir ku sheega
Jabuuti" sidaasi waxaa yiri Xasan Daahir
Aweys oo ah xubnaha isbahaysiga dib u
xoreynta ee Asmara.

"waan ka
tashaneynaa sidii laga yeeli lahaa ragan
Jabuuti tagay ee doonaya in shacabka ay
iibsadaan, waxaana xilkooda sii heynaya ku
xigeenada, inta laga bedelayo" ayuu yiri
Xasan Daahir Aweys.

"Dadka
waxaan ugu baaqayaa in ay la dagaalamaan
cadowga, sideedaba gobonimada dhiiga ayaa
lagu difaacaa, kor iyo hoos hadaad
dhimaneysana waa in aad gobonimo ku dhimataa"
ayuu hadalkiisa ku daray.

Waa markii
labaad oo xasan Daahir Aweys oo ku jira
liiska dadka argagixisada oo Mareykanka uu
baadi goobayo uu dhaleeceeyo xubnaha ka qeyb
galaya shirka Jabuuti ka bilaabmaya
wejigiisa labaad.