HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Dabo-Geed: "waxaa wax lala yaabo leh in Itoobiyaanka inta ciideyda iigu yimaadaan ay iigu hanjabaan in aan isaga baxo"

Baladweyn"01-june-2008(Arlaadiimedia)waxaa wax lala yaabo leh in Itoobiyaanka inta ciideyda iigu yimaadaan ay iigu hanjabaan in aan isaga baxo" sidaasi waxaa yiri Yuusuf Axmed Hagar (Dabo-geed), gudoomiyihii gobolka Hiiraan.

‘Nafta Ilaah ayaa haya, aniga nin diin leh ayaan ahayn, waana ogahay inhal mar aan dhimanayo, laakiin haddii leys leeyahay ha loo caga jugleeyo, hana ka baxo gobolkaasi, taasi ma dhaceyso" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

"Hubkeyga iyo baabuurteyda oo aan aniga xoolaheyga kala baxay, qaarna ay beesheyda leedahay ayaa si xaq darro ah markii hore leygala wareegay, Hadana afartii qori ee la igu waardiyeynayay ayaa la iga qaatay, markaas ayaa hanjabaad la iila yimid" ayuu mar kale yiri Dabo Geed.

Wuxuu sheegay in taliyaha ciidamada Itoobiyaanka ee jooga Jante Kuundishe uu amar ku siiyay in uu ka guuro goobtii uu degenaa, haddii uu doonayana uu ku biro kooxaha dowlada ka horjeeda.

Wuxuu sheegay Dabo-Geed in uu iminka ku sugan yahay gudaha Baladweyn oo uu sheegay in uusan marnaba ka baxayn.

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.