HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Kulamo Gaar gaar ah oo xalay Jabuuti ka socdey.

Muqdisho''01-june-2008(Arlaadiimedia)Wararka laga helayo magaalada Djabuti ee dalka Djabuti ayaa sheegaya in kulamo gaar gaar ah ay halkaasi ka soconayeen xalay.

Wararka ayaa sheegaya in wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya uu xalay kulamo la kala qaatay wafdiyada labada dhinac ee Jabuuti ku sugan.

Kulan socdey in ka badan sedex saacadood ayaa lagu soo waramayaa in wakiilka uu xalay la qaatay wafdiga golaha maxaakiimta oo Sheekh Shariif iyo Shariif xasan ay hogaaminayeen.

Wafdiga Maxaakiimta ayaa wakiilka Qaramada Midoobay kala Hadley sida ugu fudud ee uu ku dhici karo kulan foolka fool ah oo labada dhinac ay isugu yimaadaan.

Sidoo kale, wafdiga dowlada federaalka u jooga Jabuuti ayuu Wakiilka Qaramada Midoobay kulan la qaatay, waxaana la filayaa in manta kulanka wada hadalka uu furmo.

Shalay ayay ahayd markii uu dib u dhaca ku yimid kulankan.

 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.