Muqdisho''01-june-2008(Arlaadiimedia)Waxaa
saakay xiran dhamaan wadooyinka soo gala
km4, magaalada Muqdisho, iyada oo aan la
ogeyn sababta keentay in wadooyinkaasi ay
xirmaan.

Ciidamo
kuwa Yugaandheeska ah ayaa saakay xiray
isgoyska km4, iyada oo dhinaca kalena wadada
Maka Al-Mukarama ay xireen ciidamo ka tirsan
kuwa dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed.

Waxaa lagu
soo waramayaa in wadada Afisiyooni ka
timaada ay sidoo kale xireen ciidamo ka
tirsan kuwa dowlada federaalka.

Waxaa
hakad la geliyay dhamaan socodka dadweynaha
iyo kan gaadiidka, iyada oo sidoo kalena
xaafadaha ciidamada ay ku sugan yihiin.

Lama oga
sababta xilligan keentay in ciidamada ay
wadooyinka xiraan, iyada oo inta badan marka
mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federaalka
ama wafdi caalami ah ay Muqdisho imaanayaan,
ama ay ka dhoofaan wadooyinkaas la xiro.