HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Xubno ka tirsan Isbahaysiga dib u xoreynta oo ka hadlay khilaaf dhexdooda ah.

Asmara''26-may-2008(Arlaadiimedia)Xubno ka tirsan isbahaysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya ayaa ka Hadlay kala qeybsanaanta dhinaca fekerka ka dhex jirta isbahaysiga.

 

Xubnahan ayaa ku eedeeyay  Wadamada Reer Galbeedka in ay kala qeeybin ku wadaan Isbeheeysigooda.

Mas’uul ka tirsan isbahaysiga oo lagu magacaaba Aamina Axmed Warsame oo ah madaxa xuquuqda Aadanaha ee Isbahaysigaasi oo Xalay ka hadashay Tvga Al-Jazeera ayaa waxaa ay sheegtay in ay aaminsantahay waxa ka dhacaya Soomaaliya in ay tahay reer galbeedka iyo Wadanka Mareykanka shirqool ay ka dhigayaan dalka Soomaaliya.

Waxa  ay sheegtay in qorshahaaasi uu yahay mid shacabka looga celinayo  iska caabinta iyo iyagoo ku cadaadinaya Shacabka Soomaaliya in ay taageeraan Dowlada Sii liiceeysa.

Suldaan Max’ed Ibraahim Siciid oo isagana ka socda Xafiiska Arimaha Bulshada Isbeheeysigaasi ayaa isan sheegay in sharciga isbeeysiga udhigan uu sheegayo in xarunta Isbeheeysiga ay tahay Magalada Asmara ee Dalka Eritrea halkasi kaliya oo lagu qabankaro kulamada isbaheysiga.


 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.