Saraakiisha
ciidamada Itoobiyaanka oo wadahal la yeeshay
Odayaasha G/Sh/Hoose.
Afgooye''26-may-2008(Arlaadiimedia)Saraakiil
ka tirsan saraakiisha ciidamada Itoobiya ee
ku sugan gobolka Shabeelaha hoose ayaa
wadahadal la qaatay odayaal dhaqmeedka reer
Shabeelaha hoose.

Saraakiisha
ayaa xalay kulan la qaatay odayaasha laanta
Buuro, iyo Leego, ayaga oo kala Hadley sidii
ay ugala shaqeyn lahaayeen sugida amaanka.

Saraakiisha
ayaa lagu soo waramayaa in ay odayaasha ku
booriyeen in ay gacan ka siiyaan sidii
ciidamada Itoobiya ay uga hortegi lahaayeen
kooxaha ka soo horjeeda.

Odayaasha
qaarkood ayaa lagu soo waramayaa in ay balan
qaad sameeyeen, ayna sheegeen in ay dib
isugu laaban doonaan.