HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Waraaqo Saakay lagu daadiyay Baydhabo.

Muqdisho''26-may-2008(Arlaadiimedia)Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in saakay halkaasi lagu daadiyay waraaqo shacabka loogu digayay.

 

Waraaqahan ayaa shacabka loogu baaqey in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya iyo wax ay ugu yeereen kooxaha daba dhilifka.

 

Waxey sidoo kale ka digeen in la soo tilmaamo goobaha ay yaalaan hubkooda ayaga oo sheegay in cidii arrimahaasi ku kacda ay talaabo ka qaadi doonaan.

 

Daadinta waraaqooyinka  ayaa ku soo beegantay xilli saakay ciidamada Itoobiyaanka ay soo galeen gudaha magaalada ay wada xireena wadooyinka dhamaan si ay biyo ugu dhansadaan ceelku yaal magaakada.

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.