HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Bam lagu weeraray Ciidamada Dowladda iyo xafada Towfiiq oo kacsan.

Muqdisho''26-may-2008(Arlaadiimedia)Xaafada Towfiiq oo ka tirsan degmada yaaqshiid ayaa kacsan kadib markii weerar lagu qaadey ciidamo ka tirsan kuwa dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliya

 

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada maamulka degmada Yaaqshiid oo canshuuro aruurinaya ayaa weerar ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan kooxaha u adeega argagixisada caalamiga oo kasoo horjeeda Dowladda.

 

Wararka waxa ay leeyihiin Bam ayaa ciidamadan lagu weeraray ayaga oo gudaha suuqa ku dhex jira.

Dad weyne meesha kusugnaa ayaa sheegaya in dad ay kuwaxyee loween qaraxa kadhacay suuqa, inkastoo aan la sixi Karin tirada saxda ah ee dhibaatada kasoo gatay qaraxa.

 

Si kastaba ha ahaate Deegaanka ayay xaaladiisu tahay mid kacsan, ayada oo ciidamada ay rasaas teel teel ah ridayaan.

 

 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.