HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Xubnaha Isbahaysiga dib u xoreynta ee Asmara oo Caawa kulan ka leh Hadalkii Sheekh Shariif.

Asmara''26-may-2008(Arlaadiimedia)Warar laga helayo magaalada Asmara ee dalka Ereteriya ayaa sheegaya in laga wado qaban qaabo oo kulan ay xubnaha isbahaysiga dib u xoreynta leeyihiin uu halkaasi ka furmayo.

 

Xubno ka mid ah isbahaysiga ayaa xaqiijiyay in hadalkii Sheekh Shariif Sheekh uu manta ka jeediyay magaalada Jabuuti ay Uqabanayaan.

 

Wararka waxa ay leeyihiin kulankan ayaa la filayaa in ay go’aan ka soo saaraan xubnaha isbahaysiga dib u xoreynta, garabka ku sugan Asmara.

 

Sidoo kale, wararka waxa ay leeyihiin in dhinaca kale jiri doona kulan xilka looga qaadayo qaar ka mid ah xubnaha isbahaysiga ee Jooga Jabuuti.

 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.