Diyaaradaha Mareykanka
oo xalay gantaalo ku weeraray meelo u
dhaxeeya Saakoow iyo Bu’aalo.
Muqdisho''26-may-2008(Arlaadiimedia)Diyaaradaha
dagaalka Mareykanka ayaa xalay Gantaalo ku
weeraray meel u dhaxeysa Saakoow iyo Bu’aalo,
gobolka Jubada dhexe.

Wararka waxa
ay leeyihiin Waxaa Deegaanadaasi iyo kuwa
kale oo ku dhow dhow laga arkey Iftiinka
madaafiicdan oo markii dambe loo maleeyay in
ay yihiin in aysan madaafiic ahayn.

Wararka ku
saabsan madaafiicdan oo loo heysto in
diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay rideen
ayaa saakay soo shaac baxay.

Lama oga weli
qasaaraha ka dhashay weerarkan Gantaalaha.

Ma aha
markii ugu horeysay oo Gantaalo Diyaaradaha
dagaalka ay ku weeraraan meelo Somalia ka
mid ah.