Sheekh Shariif:“14-
xubnood cid ay xil ka qaadi karaan ma jirto,
golaha dhamaantiis dhowaan ayay kulan
Jabuuti ka dhici doona isugu imaanayaan,
waana loo yeeray”
Jabuuti“26-may-2008(Arlaadiimedia)Anaga
marna Qadiyadii Soomaalia ee aan qabanay
isma bedelin, manalaga bedeli karo, waxaase
ceeb ah wararka dadka lagu kicinayo ee
sumcad ku ciyaarka ah” sidaasi waxaa yiri
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah
mas’uuliyiinta sar-sare ee isbahaysiga dib u
xoreynta dalka.

“14- xubnood cid ay xil ka qaadi karaan ma
jirto, golaha dhamaantiis dhowaan ayay kulan
Jabuuti ka dhici doona isugu imaanayaan,
waana loo yeeray” ayuu yiri Sheekh Shariif.

“In dadka la jaho wareeriyo oo hadalo aan
jirin Idaacadaha laga sheego waa wax
daciifnimo ah” ayuu mar kale yiri Sheekh
Shariif.

“Dowlada Ereteriya waxaan ka xun nahay in ay
kala qeybinayaan isbahaysiga, iyada oo aan
ognahay abaalkii ay noo galeen” ayuu
hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Shariif oo
Wareysi siiyay BBC, qeybta Afka Somaliga.