Ciidamo
Itoobiyaan oo rondo ka sameynaya magalada
Baladweyne.
Qarax
iyo iska hor imaad oo Xalay kadhacay
Baladwey.
Baladweyn''26-may-2008(Arlaadiimedia)Ciidamo
Itoobiyaan ah ayaa rondo ka sameynaya
magaalada Baladweyn, ee xarunta gobolka
Hiiraan, xilli dhowaan qarax iyo iska hor
imaad is wata uu halkaasi ka dhacay.

Wararka waxa
ay leeyihiin qaraxa ayaa ka dhacay xaafada
Howl wadaag, iyada oo markii qaraxaasi uu
dhacay la sheegay in ay xigeen rasaas
daqiiqado socotay.

Lama ogaan
karo qasaaraha ka dhashay iska hor imaadka
iyo qaraxaba, maadaama xilliga uu yahay
Habeen, socodkana uu hakad ku jiro.

Qaraxa iyo
iska hor imaadkan ayaa yimid, xilli manta
ciidamada dowlada Itoobiya iyo kuwa maamulka
cusub ee Gobolka Hiiraan ay howl gal
si wadajir ah ugu sameeyeen.

waa qaraxii
ugu horeeyay ee Baladweyn ka dhaca, tan iyo
markii maamulka cusub oo halkaasi loo
magacaabay ay tageen.