HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Iska hor imaad goor dhoweyd ka bilowdey deegaanka Huriwaa.

Muqdisho''25-may-2008(Arlaadomedia)Iska hor imaad ayaa lagu waramayaa in goor dhoweyd uu ka bilowdey deegaanka Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

 

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay jiraan madaafiic dhowr ah oo labada dhinac ee iska soo horjeeda ee Itoobiyaanka iyo kooxaha ka dhanka ah ay isweydaarsanayaan ayaa la maqlayaa.

 

Rasaas aan badneyn oo ciidamada Itoobiyaanka ay ridayaan ayaa lagu soo waramayaa in la maqlayo.

 

Waxaan la ogaan Karin qasaaraha ka dhashay iska hor imaadkan oo goor dhoweyd bilowdey, iyada oo ciidamada Itoobiyaanka lagu soo waramayo in fariisimadooda ay ka soo baxeen.

 

Hadba wixii ku soo kordha dib ayaan ka soo sheegi doonnaa.

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.