HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Afhayeenka Maxaakiimta oo sheegay in ay la dagaalami doonaan burcad Badeedka.

Muqdisho''25-may-2008(Arlaadiimedia)Afhayeenka golaha maxaakiimta ee u qaabilsan dhinaca dagaalada C/raxiim Ciise Cadoow ayaa sheegay in ay la dagaalami doonaan kooxaha burcad Badeedka ah ee Afduubka u geysta maraakiibta Soomaaliya ku soo jeeda.

 

Afhayeenka oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar oo ah xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in ay wax ka qaban doonaan dhamaan kooxaha dhaca u geysanaya shacabka.

 

Wuxuu sheegay in aysan wax wada hadal ah la geli doonin kooxaha dhibaatada shacabka ku haya.

 

Hadalkan ka soo yeeray golaha maxaakiimta, dhinaca ciidamada ayaa ku soo beegmaya, iyada oo markab u raran ganacsato Soomaaliyeed uu ku jiro gacanta kooxo afduubayaal ah.

 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.