Ciidamo Itoobiyaan ah
oo saakay saacado xayiray Xildhibaano u
socdeen Baydhabo.
Muqdisho''25-may-2008(Arlaadiimedia)Xildhibaano
ka tirsan golaha baarlamaanka federaalka kmg-ka
Soomaaliya ayaa saakay lagu xayiray inta u
dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Wararka ayaa
sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah ay
xayireen xildhibaanada, iyada oo la sheegay
in markii dambe ay sii daayeen.

Xildhibaanada
ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen
magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka
Baay.

Mid ka mid ah
xildhibaanadan oo sedex ahaa ayaa sheegay in
baydhabo ay la hadleen markii ciidamada
Itoobiyaanka ay qabteen, halkaasna lagala
soo Hadley, sidaasna lagu sii daayay.

Wararku waxa
ay leeyihiin waa markii ugu horreysay oo
ciidamo Itoobiyaan ah ay xayiraad ku
sameeyaan xildhibaano katirsan barlamaanka
Soomaaliya.