Wafdi Heer
caalami ah oo kasocda Qaramada midoobi oo
kusoo fool leh Magaalada Baydhabo ee xarunta
Gobolka Baay. iyo Ra’iisal wasaaraha
Dowladda ayaa lagu wadaa in goordhow uu
kadego magaalada Baydhabo
Baydhabo''22-may-2008(Arlaadiimedia)Wafdi
sida la sheegay heer Caalami ah oo kasocda
Qaramada midoobi ayaa goor dhow lagu wadaa
in ay tagaan magaalada Baydhabo oo ah
xarunta gobolka Baay.

Wafdi uu
hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha dowlada
federaalka kmg-ka Soomaaliya ayaa lagu wadaa
in uu goordhow kadego magaalada Baydhabo si
uula kulmo wafdigaas oo kasocda qaramada
midoobi.

Wararka qaar
ayaa sheegaya in wafdiga Qaramada midoobi ay
kasoo qeyb galeen munaasabad lagu soo
bandhigayo dastuurka gobolada oo xukuumada
federaalka ay maanta soo bandhigeeyso .
Wadooyinka
magaalada Baydhabo ayaa la xiray dhamaan
mida kabaxda iyo mida soo gashaba, iyadoo
amaanka aad loo adkeeyay si ay udhicin
qalalaaso.