Gudoomiyaha Gobolka
Hiiraan oo sheegay in Shareecada Islaamka
aysan wax ugu maamuli doonin sida Al-Shabaab.
Baladweyn''22-may-2008(Arlaadiimedia)Gudoomiyaha
Gobolka Hiiraan oo shir jaraa’id ku qabtay
magaalada Baladweyn oo ah xarunta gobolka
Hiiraan ayaa sheegay in shareecada Islaamka
ay wax kumaalidoonan shareecadaaso ah mid
kafiican nooca ay wax ugu maamuli jiraan
Al-Shabaab iyo kooxaha xagjirka oo u adeega
jiray argagixisada caalamiga.

Gudoomiyaha
Gobolka Hiraan ayaa sheegay in Idaacadaha
qaarkood ay buun buuniyeen hadal an siiyay
saxaafada, isaga oo sheegay in ay ka
weeciyeen hadalka jidkii loogu talagalay
ayuu yiri Guddoomiyaha.

Wuxuu dhinaca
kale, Sheegay in Saxaafada ay la xisaabtami
doonaan wixii hadda ka dambeeya, isaga oo
sheegay in saxaafada ay madax banaan tahay,
balse loo baahan yahay in ay anshaxa
ilaaliso.

Wuxuu sheegay
in ay la socon doonaan dhaq-dhaqaaqa xubnaha
isbahaysiga dib u xoreynta lamagacbaxay ee u
adeega argagixisada caalamiga ee
kusugan gobolka Hiiraan.