HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Kooxaha u adeega argagixisada caalamiga ayaa weerar kuqaaday  Xarunta baarlamaanka ee kutaal magaalada Baydhabo Janaay ee xarunta Gobolka Baay.

Baydhabo''22-may-2008(Arlaadiimedia)Wararka laga helayo magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in xarunta baarlamaanka uu halkaas ku leeyahay ayaa xalay weerar lagu qaadey.

 

Wararka waxa ay leeyihiin kooxaha ka soo horjeeda dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliya ayaa weerarka ku qaadey goobta baarlamaanka ay kulamada ku yeeshaan.

 

Ilaalada xarunta baarlamaanka iyo kooxaha weerarka soo qaadey ayay wararku sheegayaan in ay rasaas faro badan isweydaarsadeen, lamana sheegin wax qasaaro ah oo uu geystay iska hor imaadkaasi.

 

Weerarkan ayaa yimid, iyada oo shalay gelinkii dambe ay soo baxeen warar sheegaya in kooxaha u adega argagixisada caalamiga oo kasoo horjeeda dowlada ay qorsheynayaan in ay weerar ku qaadaan xarunta baarlamaanka.

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.