Gudoomiyaha Sh/Hoose“Anaga
dhowr jeer ayaan la hadalnay shaqalaha
hay’ada, hada la afduubay, kamana warqabin
joogitaankooda gobolka”
Marka“22-may-2008(Arlaadiimedia)Anaga
dhowr jeer ayaan la hadalnay shaqalaha
hay’ada, hada la afduubay, kamana warqabin
joogitaankooda gobolka” sidaasi waxaa yiri
gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose, C/Qaadir
Sheekh Maxamed Nuur.

“waxaanu
dhahnay hay'ada isdiiwaan geliya, ayagana
weynaga diideen, marka wax mas’uul ah nagama
saarna waxa ku dhacay” ayuu yiri gudoomiyaha.

“Aw-dheegle
meel laab ah ayay ku taala, gudaha soo
gala, si amaankiina loo suga ayaan ku
dhahnay, weyna ka dhego adeegeen” wuxuu
hadalkiisa sii raaciyay gudoomiyaha
in hay’adaha
ay u sameeyeen xafiis lashaqeeya kaasi oo ah
howl fududeeyaha hay'adaha kahowgala Gobolka
SH/Hoose waana ku amarnay hey'adaha in ay
maraan xafiiskaasi hey'adii mariweyso hadii
dhib kasoo gaaro G/sh/hoose anaga mas'uul
kama nihi ayuu yiri Guddoomiyaha.