HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Maamulka Sh/Hoose oo shaaciyay in ay dabo joogaan kooxo afduub ka geystay Aw-dheegle.

Afgooye''21-may-2008(Arlaadiimedia)Maamulka gobolka SHabeelaha hoose, gaar ahaan ka degmada Afgooye ayaa goor dhoweyd shaaciyay in ay daba joogaan kooxo Afduubayaal ah oo xalay Awdheegle ka watay shaqaale hay’ad samo fal la shaqeynayay.

 

Xasan Salaad Cismaan (Qalinle) oo booliiska deegaanka Awdheegle madax ka ah ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska ay daba joogaan kooxaha afduubka geystay.

 

Wuxuu sheegay taliyaha in aysan jirin ilaa iyo hadda meel ay ku ogyihiin kooxaha afduubayaasha in ay geeyeen ragani la afduubay.

 

Kooxo Afduubayaal ah ayaa xalay sedex qofood oo shaqaaale samafal ahaa oo mid ka mid ah uu ahaa Soomaali ayaan la ogeyn meel la geeyay.

 


 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.