HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Kooxo Hubeysan oo goor dhoweyd Wadajir nin ku dilay.

Muqdisho''21-may-2008(Arlaadiimedia)Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa goor dhoweyd nin ku dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen.

 

Wararka ayaa sheegaya in kooxahan ay ninkani ku dileen bakhaar ku yaala suuqa Madiina, kaasi oo uu Gade ka ahaa, sida dad goob joogayaal ahi ay sheegeen.

 

Ninka la dilay ayaa la oran jiray C/laahi Maxamed Cali, waxaana la ogeyn sababta keentay in xilligan la dilo ninkan dhalinyarada ahaa.

 

Lama sheegin ilaa iyo hadda wax lug ah oo uu ku lahaa kooxaha siyaasada Somalia.

 

Inta badan dilalka ka dhaca magaalada ayaa ah kuwa siyaasada lugaha kula jira, inkastoo mararka qaar ay dhacaan in arrimo ay siyaasad ku shaqo lahayn la isu dilo.

 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.