Baydhabo oo xalay
Bandoow ku hoyatay.
Baydhabo''21-may-2008(Arlaadiimedia)Magaalada
Baydhabo oo ah xarunta gobolka Baay waxa ay
xalay gashay Bandoow, kadib markii qarax
halkaasi uu ka dhacay.

Wararka ayaa
sheegaya in ciidamada dowlada federaalka kmg-ka
SOomaaliyeed ay soo buuxiyeen wadooyinka
magaalada, wax yar kadib markii qaraxa uu
dhacay.

Xaalada
Magaalada ayaa lagu soo waramayaa in ay
saakay degen tahay, iyada oo goobaha
ganacsiga qaarkood ay xiran yihiin.

Arrinta ugu
hadal heynta badan saakay magaalada waxa ay
tahay askari ka tirsanaa ciidamada nabad
sugida oo la dilay iyo nin dhacdadaasi lagu
eedeeyay oo isla goobta lagu dilay.