Maamulka Hiiraan oo
shaaciyay in Shareecada Islaamka ay wax ku
maamuli doonaan.
Baladweyn''21-may-2008(Arlaadiimedia)Maamulka
gobolka Hiiraan ayaa daboolka ka qaadey in
ay wax ku maamuli doonaan shareecada
Islaamka, kadib markii ay kulan la qaateen
ganacsatada reer Hiiraan.

Maamulka ayaa
ka codsadey ganacsatada in ay gacan siiyaan,
isla mar ahaantaasina ay ka shaqeeyaan sidii
nabad loogu soo celin lahaa gobolka.

Sidoo kale,
ganacsatada ayaa laga dalbaday in ay ka
shaqeeyaan sidii loo hergelin lahaa
foornooyin sameeya Rootiga oo dadka
tabaaleysan laga quudiyo.

Hadalada
noocan oo kale ah oo aan looga baran
mas’uuliyiinta dowlada federaalka ku jirta
ayaa noqdey kan ugu hadal heynta badan
saakay magaalada Baladweyne, waxaana la
isweydiinayaan sida looga dhabeyn doono.