HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka oo saakay howlgal  kasameynaya Muqdisho.

Muqdisho''20-may-2008(Arlaadiimedia)Ciidamada dowlada Itoobiya ayaa saakay howl gal ka bilaabay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho, xilli ay madaafiic lagu tuurey gobo ay degenaayeen.

Wararka waxa ay leeyihiin ciidamadan oo ay wehliyaan ciidamo aad u faro badan oo Itoobiyaan ah ayaa ku soo faafay xaafadaha ku dhow dhow  wasaaradii hore ee gaashaandhiga.

Arrintan ayay wararku sheegayaan in aay ka dambeyso kadib markii xalay weerar lagu qaadey wasaaradii hore ee gaashaandhiga, lamana oga qasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi.

 

Dad Goob joogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay kasameynayaan baaritaan wadooyinka  waxyaabaha qarxa sida miinooyin loo adeegsada rimuudka.

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.