Cumar Xaashi:” Duulaan
kuma nihin KIsmaayo”
Asmara''20-may-2008(Arlaadiimedia)Cumar
Xaashi oo ah xog-haya isbahaysiga dib u
xoreynta ee lagu aas-aasey magaalada Asmara
ee Ereteriya ayaa sheegay in uusan jirin
ilaa iyo hadda qorshe ay isbahaysigooda ku
weerarayaan magaalada Kismaayo.

Wuxuu
beeniyay Cumar Xaashi wararka sheegaya in
ciidamadooda ay duulaan ku yihiin meelo
gobolada Jubooyinka ka mid ah, sida
magaalada Kismaayo.

Hadalkan ka
soo yeeray Cumar Xaashi ayaa ku soo beegmaya
xilli shalay ay soo baxayeen warar ku
saabsan in ciidamadooda ay ku sii jeedaan
KIsmaayo, beesha gacanta ku heysa Kismaayana
ay abaabul xoogan ku jirtay.

Sidoo kale,
hadalkan waxa uu ku soo beegmay iyada oo
shalay ay wada hadal yeesheen madaxda iyo
odayaasha beelaha Sade iyo madax
hogaamineysa kooxaha ka horjeeda dowlada
federaalka kmg-ka Soomaaliyeed, kuwaasi oo
ay isku afgarteen in ay nabad ku wada
joogaan.