Dabo-Geed:
“Dadkaanu Xisbigii naga Soo hor jeeday ayeey
ka mid yihiin anagaana Cadeeyn u heeyno
hadii wax la inaga weeydiiyo waayo shalay
ayeey afkooda ka cadeeyeen in ay xiriir
leeyihiin Al shabaab oo ay la heshiinayaan”
Baladweyn''20-may-2008(Arlaadiimedia)Cid
iga qaadi karta ma jirto xilka gudoomiyaha,
Madaxweynaha ayaa igu yiri gudoomiyihii
sharciga ahaa waa adiga, cid kaa qaadeysana
ma jirto, waxaana ku magacaabanahay
wareegtada madaxweynaha” sidaasi waxaa yiri
gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

“gaadiid
dagaal oo la iga qaadey ma jirto, gaadiidka
Beesheyda ayaa iska leh, ayaga ayaana loo
hayaa oo Itoobiyaanka bad-baadadooda ayay ka
shaqeynayaan” ayuu yiri Dabo-Geed.

Wuxuu sheegay
Dabo Geed in uu weli ku sugan yahay
Magaalada Baladweyne, mas’uuliyiinta iminka
loo soo magacaabey gobolka Hiiraanna ay
yihiin cadow cusub oo u soo kordhey dadka
reer Hiiraan iyo dowlada, waa sida uu
hadalka u dhigaye.

“Dadkaanu
Xisbigii naga Soo hor jeeday ayeey ka mid
yihiin anagaana Cadeeyn u heeyno hadii wax
la inaga weeydiiyo waayo shalay ayeey
afkooda ka cadeeyeen in ay xiriir leeyihiin
Al shabaab oo ay la heeshiinayaan” ayuu Dabo-Geed.