HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Ugaas Maxamed Weli oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay Baardheere.

Bardheere''20-may-2008(Arlaadiimedia)Ugaas Maxamed Weli oo ka mid ah mas’uuliyiinta isbahaysiga dib u xoreynta dalka ayaa goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baardheere oo gobolka GEdo ka tirsan.

 

Ugaaska ayaa ka Hadley danaha isbahaysiga ay ka leeyihiin Jubooyinka, isaga oo sheegay in qorshahooda Jubooyinka ka mid yahay howl galada militari ee ay dalka ka wadaan.

 

Waxa u beeniyay  in ciidamo ka tirsan kuwa maxaakiimta in ay ku sugan yihiin deegaanka Kamsuuma.

 

Dhinaca kale, waxa uu si weyn u weeraray madaxda dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed oo uu ku eedeeyay in ay dowlada Itoobiya u hergeliyeen wax aaney weligeed ku fekerin oo ahaa in ay Muqdisho Timaado, isaga oo sheegay in madaxda la oran karo wey ridoobeen.

 

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhowaan madax ka tirsan beesha Sade  ay sheegeen in ay kamsuuma tagayaan, xilli ay tageen ciidamo maxaakiimta ka tirsan oo Ugaaska uu hogaaminayay, wuxuuna Ugaaska ku soo laabtay Gedo.

 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.