HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Madaafiic lagu weeraray goor dhoweyd warshadii Baastada iyo Jawaab celin Itoobiyaanka ay sameeyeen.

Muqdisho''20-may-2008(Arlaadiimedia)Madaafiic dhowr ah oo ay ridayeen kooxaha ka horjeeda dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa goor dhoweyd lagu garaacay warshadii hore ee baastada oo ay degen yihiin ciidamo Itoobiyaan ah.

 

Waxaan la ogeyn qasaaraha ay geysteen madaafiicdan oo loo heysto in ay yihiin Hoobiyeyaal ee lagu gamay ciidamada Itoobiyaanka.

 

Daqiiqado aan badneyn kadib markii hoobiyeyaasha lagu ridey Itoobiyaanka ayay ayagana bixiyeen Jawaab celin madaafiic ah.

 

Wararka waxa ay leeyihiin meelo ka mid ah degmooyinka Huriwaa, yaaqshiid iyo Deyniile ayay ku dhaceen dhowr madaafiicdaasi ka mid ah.

 

Meelaha wararku sheegayaan in ay madaafiicda ku dhaceen waxaa ka mid ah suuqa Xoolaha oo ah goob ay dadka ku badan yihiin, lamana ogaan weli qasaaraha.

 

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.