Iska hor imaad iminka
ka socda suuqa Dayax.
Muqdisho''19-may-2008(Arlaadiimedia)Iska
hor imaad la sheegay in la isku adeegsanayo
hubka noocyadiisa kala duwan ayaa iminka ka
soconaya suuqa Dayax ee magaalada Muqdisho,
sida goob joogayaal ay xaqijiyeen.

Wararka ayaa
sheegaya in kooxaha ka horjeeda dowlada
federaalka kmg-ka SOomaaliyeed uu u dhaxeeyo
iska hor imaadkan.

Goob
joogayaasha ayaa sheegay in ciidamo kuwa
dowlada ah oo halkaasi canshuur ka
aruurinayay ay weerar ku soo qaadeen kooxaha
ka horjeeda.

Ma aha markii
ugu horeysay oo ciidamada dowlada ay weerar
ku soo qaadeen kooxaha ka horjeeda dowlada
federaalka, lamana oga ilaa iyo hadda
qasaaraha iska hor imaadka ka dhashay.