Axmed Diiriye: "275-ta
baarlamaanka ku jirtaay, Haddii Allahiin
Alle yahay, oo aad islaam tihiin, dulmigaa
naga daaya, war naga xishooda, waa la
xisaabtami doonaaye"
Muqdisho"15-may-2008(Arlaadiimedia)275-ta
baarlamaanka ku jirtaay, Haddii Allahiin
Alle yahay, oo aad islaam tihiin, dulmigaa
naga daaya, wax naga xishooda, waa la
xisaabtami doonaaye" sidaasi waxaa yiri
Axmed Diiriye Cali oo ah afhayeenka dhinaca
siyaasada ee golaha odayaasha beelaha Hawiye.

"Nuur
CAdde waxa lagu galayaa waa wax cad, waa
maxaad nabada ugu baaqdey, maxaad nabada uga
shaqeyneysaa…. Waxaa wax laga xumaado ah in
61- beesha Hawiye baarlamaanka ugu jirtay ay
iska hurdayaan" ayuu yiri Hadana.

"Nuur ka
hor xabada xamar waa ka socotay, waa wax
isaga ka horeeyay, Nuurna waa shaqeeyay,
marka waa dulmi beelaha Hawiye loogu dan
leeyahay oo midkii umada u turo-ba lagu
weerarayo"ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Axmed
Diiriye ayaa ugu baaqey 61- xildhibaan ee
beesha Hawiye ugu jiray baarlamaanka looga
baahan yahay in danaha beesha ay difaacaan,
haddii aaney awoodina ay iska sheegaan oo
beesha Hawiye ay qof ku bedelan doonaan.