HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta isbahaysiga Asmara oo ka jawaabay hadalkii Indho-Cadde.

Asmara''15-may-2008(Arlaadiimedia)Mid ka mid ah mas’uuliyiinta isbahaysiga Asmara ayaa ka Hadley hadalkii shalay uu sii daayay Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho-Cadde) oo gaashaandhiga u qaabilsanaa isbahaysigaasi.

Daahir Geele oo isbahaysiga ku jira ayaa sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya isbahaysiga, wixii go’aamo ahaa ee ay gaareena ay manta gelinka dambe soo bandhiga doonaan.

"Indho-cadde waa nin wax badan la socda, wuxuu ogyahay in khilaaf aanu waxba tareyn, haddii uu wax dhaliilsan yahay, wuu yaqaanaa dhaliishiisa habka loo gudbiyo oo aan wax xumeyn ahayn, iyo meesha ku haboon ee lagu beego" ayuu yiri Sheekh Daahir.

Wuxuu sheegay in aad looga wanaagsanaa in Indho-CAdde uu saxaafada wax ka dhaliilo, iyadoo buu yiri ay jiraan kala sareynta maamulka.

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.