Dad ku dhaqnaa deegaanka
Yaaqbiri weyne oo bilaabay in ay halkaasi
isaga barakacaan.
Muqdisho''15-may-2008(Arlaadiimedia)Wararka
ka imaanaya deegaanka Yaaqbiri weyne oo ka
tirsan gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay
in dadka ku dhaqan halkaasi ay bilaabeen in
ay degaankaasi isaga baro kacaan.

Wararka
waxa ay leeyihiin in dadkani badankood ay
soo wajahadey cabsi ku aadan ciidamada
Itoobiyaanka oo sida la sheegay fariisimo ka
sameystay deegaano halkaasi ka dhow.

Arrinta
ugu hadal heyta badan waxa ay tahay sedex
qofood oo ciidamada Itoobiyaanka ay dileen,
wax yar kadib marki qarax lagula beegsadey
wadada u dhaxeysa Wanla weyn iyo Baydhabo,
kuwasi oo meydadkooda ay aashito ku shubeen,
sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Ciidamada
Itoobiyaanka ayaa mararka qaar isku fidiya
dhulka howdka ah eek u teedsan wadada u
dhaxaysa Wanla weyn iyo baydhabo, halkaasi
oo ay ku bateen weerarada ka dhanka ah
ciidamada Itoobiyaanka.