HOME|CHATROOM|HEESO|MAQAALO|SUBAC REER ARLAADII|QUR'AN|TAFSIIR|CONTACT
 

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta Sh/hoose oo amaankiisa darted isu casilay.

Aw-dheegle''15-may-2008(Arlaadiimedia)Mid ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Shabeelaha hoose ayaa is casilay, kadin markii hanjabaadyo xoogan uu kala kulmay dhinacyada ka soo horjeeda maamulka dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed.

Xaaji Cadaani Maxamuud oo ahaa madaxa dhul bixinta maamulka Shabeelaha hoose ee deegaanka Aw-dheegle ayaa xalay shaaciyay in uu xilkaasi isaga tagaya.

Wuxuu sheegay Xaajiga in awoodiisa aaney ahayn in ciidamo u gaar ah oo ilaaliya uu sameysto, dowladana aaney wax ciidan ah oo amaankiisa suga aaney siin, taasina ay keentay in hanjabaadyo joogto ah uu la kulmo.

Wuxuu sheegay in kooxaha Ugaarsanaya ay gurigiisa dhowr jeer tageen, ayna xitaa digniin gaarsiiyeen caruurtiisa iyo Xaaskiisa, taasi oo keentay buu yiri in qoyskiisa uu culeys ka soo wajaho.

 

Xafiiska wararka Arlaadii.net ee Muqdisho

webmaster@arlaadii.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© Copyright 2007. Arlaadii Design by Ahmed Moalim Garwale.