Ciidamada Itoobiyaanka oo
saakay howl gal ka sameynaya Jungal iyo
Towfiiq.
Muqdisho''15-may-2008(Arlaadiimedia)Ciidamada
dowlada Itoobiya ee fariisinka ku leh
agagaarka isgoyska Towfiiq ee magalaada
Muqdisho ayaa saakay isku fidiyay xaafado ka
mid ah Jungal iyo Towfiiq.

Wararka
ayaa sheegaya in ciidamadan oo aad u badan
ay wadooyinka xireen, isla mar ahaantaasina
ay baaris ku sameynayaan gobo ay
bartilmaameedsanayeen.

Goobaha ay
saakay galeen ciidamada ayaa lagu soo
waramayaa in uu ka mid yahay masjid lagu
magacaabo Aqsa, halkaasi oo sida la sheegay
ay ka wateen wadaad tabliiqa ka mid ah iyo
labo wiil kale oo dhalinyaro ah.

Dhinaca
kale, labo guri oo sida la tuhunsan yahay ay
ku sugnaayeen rag ka mid ah kooxaha ka
horjeeda dowlada federaalka ayaa ciidamada
Itoobiyaanka ay galeen, lamina oga cida
halkaasi ay ka wateen.

Ma jiraan
ilaa iyo hadda wax rabshad ah oo halkaasi
lagala hor yimid ciidamada Itoobiyaanka,
sidii horeyba loo arki jiray.

Arrintan
ayaa timid, kadib markii xalay bambooyinka
gacanta lagu weeraray fariisimo ay leeyihiin
ciidamada Itoobiyaanka oo goobahaasi ka
dhow.